Taageerayaasha Barcelona Oo Maamulka Kooxdooda Ka Dalbaday In Ayna Iibin Halkan Xiddig Suuqa January, Maxay Tahay Sababtu

1647

Taageerayaasha Kooxda Barcelona ayaa badalay fikirkii ay ka aaminsanaayeen mustaqbalka xiddiga khadka dhexe ee Ivan Rakitic kaas oo si weyn loola xidhiidhinayo in uu isaga tago kooxda kadib markii uu ka baxay qorshaha tababare Ernesto Valverde.

Xiddiga Ivan Rakitic ayaa ka mid ah xiddigaha aan joogtada ugu ciyaarin kooxda xilli ciyaareedkan isaga oo kaydka u galay xiddiga Frenkie de Jong kaas oo booska kala wareegay.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in ay taageerayaasha kooxda Barcelona maamulka kooxda ka dalbadeen in ayna iibin xiddiga Rakitic sabab la xidhiidha qaab ciyaareedkii cajiibka ahaa ee uu xiddig soo bandhigay.

Wargayska ayaa sameeyay codayn ay taageerayaasha kooxda ku waydiisay mustaqbalka xiddiga reer Croatia waxana ka qayb qaatay codayn 6 milyan oo taageere.

69% taageerayaasha kooxda ayaa dalbaday in uu xiddiga Rakitic sii joogo kooxda oo aan la iibin marka la gaadho suuqa Janaury halka kaliya 31% ay ogolaadeen in la iibiyo suuqa January.