Taliye Xijaar oo dhuusamareeb tagay +SAWIRRO

1539

Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, Genaral Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa barqanimadii maanta gaaray gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Xijaar iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaasi si weyn ugu soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug iyo saraakiisha ciidamada Dhuusamareeb.

Sidoo kale ujeedka socdaalka taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa ah sidii ula socon lahaa dhaq-dhaqaaqyada ciidamada dowladda ee deegaanada maamulka Galmudug, gaar ahaan howl-gallada lagu xaqiijinayo amniga Dhuusamareeb oo dhowaan martigelineyso doorashada xildhibaanada labada aqal ee laga soo doorto magaaladaasi.

Taliyaha ciidanka Booliiska ayaa sidoo kale kormeeri doono xarumaha ciidamada ammaanka ee deegaanada Galmudug, isaga oo saraakiisha kala hadli doono xoojinta amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka ee maamulkaasi.

Waxa kale oo uu taliyuhu la kulmi doonaa madaxda sare ee Galmudug iyo qeybaha kala duwan e bulshada, wuxuuna la yeelan doono is-xog wareysi muhiim ah.

Xijaar ayaa sidoo kale la filayaa inuu booqdo xarumaha ee maamul goboleedyada kale ee dalka, sida HirShabelle, Galmudug, Puntland iyo Jubbaland.

Soomaaliya ayaa dhowaan isku diraaineyso qabsoomida doorashooyinka soo socda ee 2020/2021 oo isugu jirta tan baarlamaanka iyo madaxweynaha.