Taliyihii ilaalada madaxtooyada Puntland oo ladilay

1421

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka dagaal ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi lagu dilay taliyihii ciidamada ilaalada madaxtooyada dowlad goboleedka Puntland G/Sare Cismaan Cumar Maxamed.

Dagaalka ayaa ka dhashay howl-gal ciidamada Puntland, gaar ahaan ilaalada madaxtooyada ay ku qaadeen maleeshiyaad ku sugnaa warshadda Kabista ee Gaalkacyo, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad u dhexeeyey labada dhinac.

Ragga maleeshiyaadka ah ee dagaalka kala horyimid ciidamada ayaa la sheegay inay ka ganacsanayeen maandooriyaha Khamriga, balse Booliska ayaa la wareegay warashadda.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dagaalka lagu dhaawacay 7 qof oo kale oo isugu jira dhinacyada diriray iyo dad shacab ah.

Xaaladda ayaa hadda dagan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland.

Dilka taliyaha ciidamada ilaalada madaxtooyada Puntland ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan madaxweyne Siciid Deni uu ku sugan yahay waqooyiga Gaalkacyo.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa ciidamada amnigu ay howl-gallo baaxad leh ka wadeen qeybo badan oo ka mid ah gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.