Turkiga iyo Masar oo isku raacay ilaalinta madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya

128

Kulan ka dhacay magaalada Qaahira oo ay yeesheen wasiirada arimaha dibadda ee Turkiga iyo Masara Hakan Fidan iyo Badr Abdelatty ayaa waxa ay sheegeen in ay isku afgarteen sidii loo ilaalin lahaa madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Kulanka oo ajandahiisa guud ahaa heshiiska xabad joojin Gaza ee dhawaan ka dhici doona Masar ayaa markii uu dhamaaday kadib waxay labada masuulba qabteen shir jaraa’id, kaas oo ay ku sheegeen in ay muhiimad leedahay midnimada Soomaaliya.

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Masar oo la hadlayay warbaahinta ayaa waxa uu yiri: “Waxaa muhiimad noo leh ilaalin midnimada Soomaaliya, dawladda Masarna waxay si dhamaystiran u diidaysaa wax walba oo taabanaya midnimada iyo madaxbanaanada dhuleed ee Soomalaiya,”.

Waxa uu sheegay wasiirku in horay sidaas oo kale ay u sheegeen arrintaan, haatanna ay ku celinayaan.

Dhanka kale wasiirka Arimaha dibadda Turkiga ayaa waxa uu sheegay in dawladaha Ankara iyo Qaahira ay isku afgarteen in la ilaaiyo madaxbanaanida dhuleed ee dalka Soomaaliya, sida ay daabacaday wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu.

Dawladda Soomaaliya ayaa dhankeeda uga mahadcelisay dawladda Masar, sida ay u garab taagan tahay.

War kooban oo lagu daabacay wakaaladda warar ee Soomaaliya, SONNA ayaa lagu yiri: “Wasiirka Arimaha Dibadda ee Soomaaliya waxa uu uga mahadcelinayaa dawladda Masar garab istaageeda aan wax loo dhigaa jirin iyo mawqifka cad ee ay ka qaadatay arrinta la xiriirta xoriyadda iyo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya.”