Waa Maxay Sababtii Uu Jose Mourinho Isaga Diiday Shaqada Tababaranimo Ee Arsenal?

1654

Jose Mourinho ayaa diyaar u ahaa in uu shaqada tababare ee Arsenal ka badalo tababare Unai Emery sida ay sheegayaan wararku.

Tababaraha 56 jirkan ayaa noqday tababaraha Cusub ee kooxda Tottenham isaga oo shaqada ka badalay tababare Mauricio Pochettino.

Laakiin ka hor intii uuna noqon tababaraha Tottenham Jose Mourinho ayaa lagu soo waramayaa in uu wadahadalo la qaatay kooxda Arsenal si uu u noqdo badalka tababare Unai Emery.

Emery ayuu saaran yahay cadaadis xoogan kadib qaabkii xumaa ee ay ku bilaabatay kooxdu xilli ciyaareedkan Mourinho ayaana la sheegayaa in uu ahaa bartilmaameedka Maamulka Arenal.

Mourinho ayaa la sheegayaa in uu la dhacay qorshaha agaasimaha Arsenal ee Sanllehi kaas oo uu wadahalada la qaatay.

Laakiin wargayska The Sun ayaa sheegaya in uuna Jose Mourinho si buuxda ugu qanacsanayn in ay Arsenal tahay dookhiisa ugu fiican.

isla Wargayska ayaa intaas sii raacinaya in uuna Jose Mourinho la dhicin qaabka ay maamulka kooxdu u dhiseen kooxda.