Wakiilka Lucas Torreira Oo Ka Hadlay Xaqiiqada Wararka Sheegaya In Uu Xiddigu Doonayo In Uu Isaga Tago Emirates.

1617

Wakiilka Lucas Torreira ayaa hoos u dhigay wararka sheegaya in uu xiddiga uu wakiilka u yahay doonayo in uu isaga tago kooxda Arsenal laakiin qirtay in uuna xiddigu ku faraxsanayn booska uu kaga hoos ciyaaro Unai Emery.

Xiddiga reer Uruguay ayaa Gunners kaga soo biiray Sampdoria sanadkii hore waxana uu qaab ciyaareed fiican u soo bandhigay si deg-deg ah isaga oo ka mid noqday xiddigaha ugu fiican kooxda.

Xiddiga 23 jirka ah ayaa lagu qabsay in uu ka ciyaarokhadka dhexe ee weerarka xilli ciyaareedkan waxana uu wakiilka xiddigu qirtay in uu booskaas dhibaato ku hayo xiddiga.

“Waan in aan sheego in badalka boosku in uu dhaawacay”ayuu yidhi Wakiil Pablo Bentancur isaga oo la hadlaya Calciomercato.

“Haatan waxa uu ku dhibaatoonayaa arintaas waxana aan rajaynaynaa in ay wax is badalaan”.

Wakiilka ayaa wax laga waydiiyay in uu Lucas Torreira doonayo in uu isaga tago kooxda Arsenal waxana uu ku jawaabay”Waxba kama jiraan arintaas, Wax dhibaato ah kuma qabo Arsenal kaliya booska ayuu ku dhibaatoonayaa”ayuu sii raaciyay.