War.Cusub Turkiga iyo Maraykanka oo heshiis ka gaaray dagaalada ka socda Waqoyiga Siiriya

1814

Madaxweyne ku xigeenka dalka Maraykanka Mike Pence ayaa sheegay in dowlada Maraykanka iyo Turkiga ay ku heshiiyeen xabad joojin waqooyiga Siiriya halkaa oo ay ciidamada Turkiga weerar ku qaadeen toddobaadkii hore.

Heshiiskan ayaa lagu gaaray magaalada Ankara kadib markii ay kulmeen Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Pence.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in heshiiskan xabad joojinta ah oo soconaya shan maalmood ayaa qorshuhu yahay in dagaalamayaasha Kurdiyiinta ay ka  baxaan waqooyiga Siiriya.

Sidoo kale qodobada heshiiska ayaa waxaa ka md ah in Maraykanku uu joojiyo cunoqabataynta uu saaray Turkiga.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku tilmaamay heshiiskan inuu  yahay war weyn kaasoo badbaadinaya nolosha malaayiin ruux.

Dhinaca kale taliyaha YPG oo ah ururka Kurdiyiinta Mazloum Abdi ayaa sheegay in dhankooda ay u hogaansamayaan xabad joojinta looga dhowaaqay magaalada Ankara