XASAASI: Natiijada Ballon d’Or 2019 Oo La Soo Dusiyay, Xiddiga Ku Guulaystay & Lama Filaano Ku Saabsan 10-ka Xiddig Ee Ugu Sareeya Oo La Qarxiyay

1808

Waxa ay saacado inaga xigaan Xaflada Abaalmarinta Ballon d’Or 2019 taas oo la qaban doono maalinta Isniinta oo ku beegan Bari iyada oo lagu ogaan doono xiddiga loo caleemo saaro xiddiga ugu fiican adduunka sanadka 2019.

Abaalmarinta ayaa la filayaa in ay si xoogan ugu tartamaan xiddigaha Lionel Messi, Virgil Van Dijk iyo Cristiano Ronaldo kuwaas oo uu midkood noqon doono boqorka adduunka ee sanadka 2019.

Majalada France Football oo bixisa abaalmarinta ayaa la filayaa in ay xaflad weyn oo adduunka oo dhan laga daawan doono ku qaban doonto France iyada oo halkaas lagu dooran doono xiddiga ugu fiican adduunka.

Waxa si hoose loo halay sawir muujinaya xiddiga ku guulaystay abaalmarinta Ballon d’Or sanadka 2019 iyada oo xitaa la helay dhibcaha ay kala heleen 10-ka xiddig ee ugu sareeya abaalmarinta.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ku guulaysan doona abaalmarinta sida lagu helay cadaynta isaga oo helay cod dhan 446 cod isaga oo ku garaacay xiddiga kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk kaas oo helay 382 dhibic kaalinta 2-aadna galay.

Waxa la yaab noqonaysa in xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah uu galay kaalinta 3-aad isaga oo helay 179 dhibcood isaga oo ka horeeya xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo oo helay 133 dhibcood.

Waxa kaalinta 5-aad galay xiddiga kale ee Liverpool ee Sadio Mane oo helay 97 dhibcood halka Isla xiddiga Kale ee Liverpool ee Alisson Becker uu galay kaalinta 6-aad isaga oo helay 82 dhibcood.

Hadaba Halkan Hoose Ka Bogo sida ay 10-ka xiddig ee ugu sareeya u kala heleen dhibcaha warqada la soo dusiyay:

Image