Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji oo isaga hartay tartanka kursiga Guddiga Ururka Midowga Afrika

130

Soomaaliya ayaa gebi ahaanba isaga hartay tartanka iyo loolanka loogu jiro kursiga Guddiga Ururka Midowga Afrika, kaas oo ay hadda u tartamayaan 4 waddan oo Afrikan oo doonaya qabashada xilka guddoomiyaha Ururka.

Soomaaliya ayaa waxaa tartankan ku metali lahayd Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, taas oo muddooyinkii u dambeeyay wadday olole ballaaran oo ku aadan damaceeda kursigan, balse waxa ay la kulantay cadaadis ugu dambeyn sababay inay harto.

illaa afar musharrax oo aysan ku jirin Soomaaliya ayaa haatan isku diiwaan-geliyay doorashada guddoomiyaha Midowga Afrika oo dhowaan dhaceysa, waxayna taasi meesha ka saartay hamigii Fowsiyo ee qabashada xilkaasi.

Sidoo kale diwaan-gelinta xubnaha tartamaya ayaa ku ekeyd shalay oo ay ahayd lixda bisha August oo loo qabtay dhammaan musharrixiinta gobolka ee daneynayo kursiga.

Horay Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa uga hadashay cadaadis ay sheegtay inuu uga yimid madaxda sare ee dalka, kaas oo ku aadan u tartamideeda kursiga guddoomiyaha Midowga Afrika.

Fowsiyo waxay xilligaas sheegtay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza ay si cad ugu yiraahdeen “iskaga har tartanka, una tanaasul musharaxa Jabuuti ay wadato, inkasta oo Fowsiyo ay qirtay in markii hore uu madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha garab taagnayeen, balse ay gadaal iska beddeleen wax walba si lama filaan ah.

Bishii May bartamaheedii dhamaadkii shirka Madasha, Muqdisho waxaa ii yeeray madaxweyne Xasan Sheekh, ra’iisul wasaare Xamza iyo afar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada, odayaashaasi waxay ii sheegeen inay isla garteen in aan tanaasulo oo iskaga haro tartaankaas oo waxaas oo olole iyo howl ah usoo galay,” ayey horay u tiri.

Si kastaba, Isla dhacdo middaan lamid ah dowladda madaxweyne Xasan ayaa dhowr bilood kahor diiday inay taageerto Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo isku sharaxday madaxweynaha baarlamaanka adduunka, laakiin markaas dowladda qiil waxay ka dhigatay inay Tanzania uga beddelatay taageerada xubinnimada ururka bulshada Bariga Afrika.