Dagaalkii Kudhaa oo la soo afjaray+ SAWIRRO

67

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab iyo kuwa Jubbaland ayaa soo afjaray Xoogagii Al shabaab ee soo weeraray deegaanka Kudhaa ee hobolka Jubbada Hoose, iyagoo warbaahinta u soo bandhigay meydadka xubno badan oo ka tirsan Al shabaab iyo horjoogayaashoodii oo lagu laayey dagaalka.

Sidoo kale, Ciidamada ayaa soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay dagaalka Kudhaa uga furteen Al shabaab kadib markii lagu laayey dagaalka.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in dagaalkan oo soo bilowday waaberigii hore ee shalay ay saakay soo afjareen, kadib markii ay hareereeyeen Al shabaab, kadibna ay ku laayeen halkaas, iyagoo ugu dambeyn soo bandhigay meydadkooda oo tiro beel ah.

HOOS KA DAALACO WAR-SAXAAFADEED KA SOO BAXAY WASAARADA GAASHAANDHIGA

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, oo ay garab taagan yihiin Ciidamada Amniga Jubbaland, isla markaana kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa soo gabagabeeyay howlgal amni oo socday in ka badan 24 saacadood, kaas oo lagu fashiliyey laguna soo afjaray weerar ay maleeshiyaadka Khawaarijta ku soo qaadeen magaalada Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalkan wadajirka ah ayaa cadowga lagu gaarsiiyay jab culus iyo khasaare ballaaran, iyadoo la dilay in ka badan 130 dhagarqabe, laguna dhaawacay tiro kale oo intaas ka badan, kaddib dagaal toos ah oo ay ciidamadu si geesinimo leh uga hortageen weerarka.

Sidoo kale, waxaa gacanta looga dhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ka carareen maleeshiyaadkii argagixisada ee soo qaaday weerarka naf-la-caariga ahaa.

Haatan, amniga magaalada Kudhaa iyo dhammaan nawaaxigeeda waxa si buuxda gacanta ugu haya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, iyo Ciidamada Amniga Jubbaland, kuwaas oo weli ku jira feejignaan buuxda iyo sugid amni si looga hortago khatar kasta.

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay bogaadinayaan geesinimada, wada-shaqeynta, iyo feejignaanta Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland, iyagoo mar kale adkaynaya in howlgallada lagu ciribtirayo argagixisada ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijiyo nabad, xasillooni, iyo amni waara oo ka hirgala guud ahaan dalka.