Liibaan Shuluq oo loo xushay musharraxa xisbiga JSP ee doorashada Galmudug

26

 

Shir xalay kusoo dhammaaday Madaxtooyada ayaa lagu soo waramayaa in lagu heshiiyey musharraxa rasmiga ah ee Xisbiga JSP u matali doona doorashada Galmudug.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Liibaan Axmed Xasan loo doortay musharraxa rasmiga ah ee xisbiga, go’aan la sheegay inuu ka dhashay wada-tashiyo iyo kulamo xasaasi ah oo maalmahan ka socday xarunta Madaxtooyada.

Warkan oo si degdeg ah u faafay ayaa la filayaa inuu keeno isbeddel siyaasadeed oo muuqda, gaar ahaan marka la eego saameynta uu musharraxani ku leeyahay siyaasadda koonfurta dalka.

Si kastaba ha ahaatee, weli ma cadda in Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu si buuxda u taageersan yahay go’aankan, iyo in uu yahay qorshe waqti lagu kasbanayo, maadaama hore Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) loogu sheegay inuu ku tartamo isla xisbiga JSP.

Arrintan ayaa imaneysa xilli siyaasadda Galmudug ay wajahaysa marxalad xasaasi ah, iyadoo la sugayo sida ay u saameyn doonto tartanka doorashada ee soo socota.