
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dib u eegis ku samaynaysa doorkii iyo taageeradii ay siin jirtay ururada heer gobol iyo kuwa caalamiga ah ee ay xubinta ka tahay, in kastoo aysan xilligan diyaar u ahayn inay isaga baxdo uroro horleh, sidaas waxaa xaqiijiyay sarkaal ka tirsan Imaaraadka Arbacada, maalin un kaddib markii ay xukuumadda Abu Dhabi ku dhawaaqday inay isaga baxday ururka dalalka dhoofiya shidaalka ee OPEC.
Sarkaalkan oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa tilmaamay in dalkiisu uu guud ahaan qiimayn ku wado faa’iidada iyo waxtarka uu ku qabo ka mid ahaanshaha ururadaas.
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay si weyn u soo baxayeen warar la isla dhexmarayo oo sheegaya in Abu Dhabi ay ka bixi karto ururada kale ee gobolka, oo ay ku jiraan Jaamacadda Carabta iyo Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC). Tani ayaa daba socota go’aankii lama filaanka ahaa ee ay uga baxday ururka OPEC iyo isbaheysiga OPEC+, kaas oo si rasmiga ah u dhaqangelaya 1-da bisha May ee foodda inagu soo haysa.
Bixitaanka Imaaraadka, oo ka mid ahaa waddamada ugu wax-soo-saarka badan ururkaas, ayaa sii ballaarinaya khilaafka iyo is-maandhaafka u dhexeeya isaga iyo dalka deriska ah ee Sacuudi Carabiya oo ah awoodda ugu weyn ee hagta dalladda OPEC.
Abu Dhabi iyo Riyadh oo horay u ahaa xulufo aan la kala dhex gelin karin, ayaa haatan u muuqda kuwo uu u dhexeeyo xafiiltan hoose oo salka ku haya arrimo dhowr ah, kuwaas oo isugu jira siyaasadda shidaalka, arrimaha juquraafi-siyaasadeed ee gobolka, iyo weliba loollanka loogu jiro soo jiidashada maalgashiga iyo xirfadlayaasha shisheeye.
Tallaabooyinkan ayaa qayb ka ah dib-u-qiimayn ballaaran oo ay xukuumadda Abu Dhabi ku samaynayso isbaheysiyadeeda tan iyo markii uu qarxay dagaalka Iiraan.
Imaaraadka ayaa dhaliil xooggan u soo jeediyay Golaha Khaliijka, isagoo ku sifeeyay jawaabtoodii ku aaddanayd colaadda mid aad u liidata.
“Waa run in dalalka Golaha Iskaashiga Khaliijku ay dhanka saadka iska taageereen, balse marka la eego dhanka siyaasadda iyo milateriga, waxaan aaminsanahay in mowqifkoodu ahaa kii ugu liitay taariikhda,” ayuu yiri Anwar Gargash, oo ah mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Imaaraadka, xilli uu Isniintii ka hadlayay shir ka dhacay dalkaas.
Wuxuu intaas raaciyay: “Mowqifkaas tabarta yar waxaan ka filayay Jaamacadda Carabta igumana noqon lahayn layaab, balse marnaba kama filayn Golaha Khaliijka aad ayaanan ula yaabay.”
Gargash ayaa horay u sii tilmaamay in Imaaraadku uu si qoto dheer u “shaandhayn doono” xiriirradiisa heer gobol iyo heer caalamiba, si uu u ogaado cidda dhabta ah ee la isku halleyn karo, isagoo dib-u-eegistaasna ku lammaaniyay tallaabooyin lagu xoojinayo awoodda dhaqaale iyo maaliyadeed ee dalkiisa.
“Madax-bannaanida istaraatiijiyadeed waxay ahaan doontaa doorashada joogtada ah ee Imaaraadka,” ayuu carabka ku adkeeyay.
Imaaraadka Carabta oo ah xudun weyn oo ganacsi iyo maaliyadeed oo ku taalla gobolka, isla markaana ka mid ah xulafada ugu muhiimsan ee Washington, ayaa qaatay siyaasad arrimo dibadeed oo geesinimo leh, wuxuuna awood iyo saameyn ballaaran ku yeeshay qaybo badan oo ka mid ah Bariga Dhexe iyo qaaradda Afrika.
Kaddib markii ay weeraro kala kulantay dagaalka Iiraan, xukuumadda Abu Dhabi ayaa sii xoojisay xiriirka ay la leedahay Mareykanka iyo Israa’iil, iyadoo Israa’iilna uu heshiis diblomaasiyadeed dhexmaray sanadkii 2020-kii oo loo yaqaan Heshiisyadii Ibraahim (Abraham Accords).
Imaaraadka ayaa u arka xiriirka uu la leeyahay Israa’iil mid u ah gacan-qabasho uu ku ballaarin karo saameyntiisa gobolka, isla markaana waddo gaar ah oo uu u sii maro awoodda iyo maamulka Washington.




















