Jadwalka doorashada dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo la shaaciyay

25
Screenshot

 

Gudiga Doorashooyinka Qaranka ayaa goor dhawayd shaaciyay jadwalka doorashooyinka Maamul Goboleedyada Dalka marka laga reebo Somaliland iyo Puntland balse sida jadwalka ka muuqata qeybta hoose Jubaland iyo Waqooyi-bari waxaad moodaa inay ka yara duwan yihiin Hirshabelle,Galmudug iyo Koofurgalbeed.

Sida Jawalka ku cad doorashooyinka Maamulada Hirshabelle,Galmudug iyo Koofurgalbeed way dhameystiran yihiin, golaha deegaanka ilaa masuulka ugu sareeya ee hogaaminaya maamulka laakiin Maamulada Waqooyi Bari iyo Jubaland jadwakooda waa qabyo waxaana kaliya lagu muujiyay jadwalka waqtiga doorashooyinka Golaha Deegaanka oo kaliya.

Jadwalka Gudiga Doorashooyinka wuxuu ka tagay waqtiga doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Hogaamiyaha ugu sareeya labada Maamul ee Jubaland iyo Waqooyi Bari taasoo cadeyneysa in wali labadaasi maamul wax qabyo ka yihiin oo aysan diyaar u ahayn doorasho.

Gudiga warqadiisa kuma cadeyn sababta labadaani maamul kaliya loogu ekeeyay doorashooyinka Golaha deegaanka, dhanka Jubalan waxaa macquul ah madaama Gobolka Gedo lag qabanayo iney Dowladu u baahan tahay inay dagaal ku qaado Doolow si ay Gobolka uga nadiifiso wax taagersan Axmed Madoobe madaama amniga uu shaki galayo mar hadii Gobolka ay isla joogaan laba quwad oo iska soo horjeeda.

Dhanka kale Maamulka Waqooyi Bari oo aaney dhankooda ka jirin wax iska hor imaad ah lama yaqaan sababta Dowladu ula mid dhigtay Jubaland garabka Dowlada.

Screenshot