
Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa haatan kusii qulqulayo saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka kuwaas oo ka qayb-qaadanaya howlaha sugidda amniga ee magaaladaasi.
Kaaliyaha Taliska Xoogga Dalka, Janaraal Maadey Nuurey Sheekh ayaa maanta gaaray Baydhabo, iyadoo garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ay kusoo dhaweeyeen Kaaliyaha Taliska Dhulka Jeneraal Cabdullahi Aadan Xuseen (Cirro) iyo saraakiil kale oo ka tirsan qaybta 60-aad ee Ciidamada Xoogga.
Ujeedka saraakiishan oo ka baxay Muqdisho ayaa ah inay kaalintooda ka qaataan xoojinta amniga magaalada oo lagu qabanayo doorashada gudoonka Golaha Wakiilada iyo Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Sidoo kale, Janaraal Maadey Nuurey ayaa lagu wadaa inuu qayb ka noqdo kulamada ka socda magaalada ee looga hadlayo xasilinta iyo howlaha doorashooyinka, maadaama uu socdo diyaar garowgii ugu dambeeyay.
Baydhabo, waxaa haatan ku sugan ciidamo isugu jira qaybta Taliska 60-aad, Kumaandooska Gorgor iyo kuwo Booliis ah, iyada oo sidoo kale la kordhiyay goobaha hubinta gaadiidka ee gudaha iyo bannaanka magaaladaas.
Dowladda Soomaaliya ayaa xoogga saareysa arrimaha Koonfur Galbeed, waxayna sidoo kale shalay taliyaha cusub ee guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka u magacowday Gaashaanle Dhexe Cabdulle Isaaq Ibraahim oo horay u ahaa taliyihii Booliska ee degmada Wanlaweyn.
Magacaabistan ayaa timid kadib markii dhawaan duleedka Baydhabo ay Al-Shabaab ku dileen ku-simihii taliyaha qeybta 60-aad, Gaashaanle Sare Yoonis Aadan & taliyihii guutada 8-aad ee qeybta 60 ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Cali Caddow, kadib weerar dhabo gal ah oo si kadis ah ugu qabsaday halkaas.




















