DAAWO : Mahad salaad oo Khayre soodamiintay gurigane kasoosaaray.

44

Wararka naga soo gaarayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xaaladda ay dagan tahay kadib dagaallo saacado badan qaatay oo ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka ku dhex-maray xaafado ka tirsan degmooyinka Howlwadaag iyo Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in dadaallo gudaha oo la sameeyay kadib lagu guuleystay in Ra’iisul wasaarihii hore Mudane Xasan Cali khayre laga saaray gurigii uu dagay ee aagga Barmuudo ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha NISA, Mahad Salaad iyo ciidamo uu wato ayaa ka kaxeeyay guriga oo ku celiyay aagga hotee Jasiira oo uu markii horeba daganaa Khayre.

Sidoo kale, ciidamadi Xasan Cali Khayre ayaa isudhiibat ciidamada dowlada.