
Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa goordhow kusoo baxay doorashadii ka dhacday magaalada Baydhabo, isaga oo si rasmi ah loogu doortay Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa isaga oo aan iska casilin xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya la tartamay musharrax Cabdicasiis Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo uu kaga guuleystay tartanka doorashada.
Aadan Madoobe ayaa kusoo baxay cod aqlabiyad leh, wuxuuna helay 88 cod, halka musharraxa kalena uu helay 1 cod oo kaliya, sidaas wuxuu ku noqday Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed ee beddalaya Cabdicasiis Lafta-gareen.





















