Booliiska Muqdisho oo soo xirey laba Tiktokeris ah

25

 

Ciidamada Booliska Soomaaliya oo wada howlgallo lagula dagaalamayo falalka anshax xumada ee liddiga ku ah dhaqanka wanaagsan ee Soomaalida iyo Diinta Islaamka ayaa gacanta kusoo dhigay eedeyaanayaal loo haysto inay muuqaallo anshax xumo ah ku faafiyeen baraha bulshada, gaar ahaan aaladda TikTok.

Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in laba wiil oo dhalinyaro ah lagu soo xiray saldhigga degmada Garasbaaley, isla markaana laga qaadi doono tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

‘Ciidanka Boliiska Caasimadda, gaar ahaan Saldhigga Garasbaaley, oo wada hawlgallo lagu ciribtirayo anshax-xumada iyo falalka lidka ku Kasoah dhaqanka suuban ee Islaamka iyo akhlaaqda wanaagsan ee bulshada Soomaaliyeed, ayaa gacanta ku soo dhigay laba eedaysane oo caadaysatay inay baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, ku baahiyaan muuqaallo anshax-xumo ah,” ayaa lagu yiri war-warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Eedaysanayaasha waxaa loo gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh si sharciga loo waafajiyo”.

Dhanka kale, Boolsika Soomaaliya ayaa sheegay in weli uu ku raadjoogo raggii ka dambeeyay falkii xadgudubka ahaa ee dhawaan lagula kacay gabar Soomaaliyeed, xilli ay ku sugneyd goob lagu soo dhaweynayay gabar caan ka ah baraha bulshada.

“Boliisku wuxuu ku raad-joogaa dhowr eedaysane oo ku kacay fal dhaqan-xumo ah oo lagula kacay gabar Soomaaliyeed, Sidaa darteed, muwaadin haddii aad aragto ama hayso xog ku saabsan eedaysanayaashaas, fadlan xogta la wadaag saldhigga kuugu dhow ama kala xiriir lambarka 991,” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Dhinaca kale, Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa dhankeeda wado baaris ku aadan dhacdadan, oo ay si weyn uga xumaadeen dadka Soomaaliyeed, kadib markii muuqaalka gabadha yar lagu baahiyay baraha bulshada, iyadoo toos loogu xagdudbayo.

“Xafiisku wuxuu si gaar ah baaris ugu wadaa dhacdo foolxun oo ka dhacday baraha bulshada, taas oo ay geysteen dhalinyaro kuwaas oo ku xadgudbay gabadh Soomaaliyeed oo ku sugan magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Sidoo kale, wuxuu xafiisku digniin adag u diray dhammaan shaqsiyaadka isticmaala baraha bulshada oo uu uga digay waxyaalaha dhaqan xumada ah.