DAAWO: Ra’iisul wasaare Xamza “Aniga Iyo Madaxweyne Xassan waxbaan isla leenahay,mashruuca anaaba leh””

25

Ra’iisulwasaaraha Somalia Xamza Cabdi Barre ayaa hadalo culus jeediyay kuwaasoo si dadban ugu socday Gudoomiyaha Baarlamaanka oo si weyn loo hadal hayo inuu ku howlan yahay mooshin ka dhan ah Ra’iisulwasaaraha.

Ra’iisulwasaaraha oo muujinaya inuu awood badan ku leeyahay Dowlada ayaa ka dhawaajiyay in isaga iyo Madaxweyne Xasan ay hal meel siyaasada iskula wadaan islamarkaana uu isagu leeyahayba mashruuca.

“Aniga la mid maahi Ra’iisulwasaarayaashii iga horeeyay ,madaxweyne Xassan waxbaan isla leenahay , aragtida ayaan isla leenahay, Fiishanka ayaan isla leenahay” ayuu yiri Xamza Cabdi Barre