Ciidamada Eritrea oo gudaha u galay Itoobiya

22

 

Xiisadda u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa gaartay heer cusub oo halis ah, kadib markii ciidamada Eritrea lagu soo warramay inay gudaha u galeen waqooyiga Itoobiya, halka xukuumadda Addis Ababa ay Asmara ku eedeysay duullaan cusub oo ay dalbatay in ciidamadaasi dib loo saaro.

Dhaqdhaqaaqyada cusub ayaa imaanaya xilli ciidamada dowladda Itoobiya iyo xoogag Tigray ah oo taageersan ay ku sii jeedaan waqooyiga gobolka Tigray, una sii dhowaanayaan xadka Eritrea.

Warbaahinta Bloomberg ayaa Arbacadii werisay in Itoobiya ay Eritrea ku eedeysay inay ciidamo dheeraad ah soo gelisay dhulkeeda, isla markaana ay dalbatay inay si degdeg ah uga baxaan.

Laba qof oo ku nool magaalada Adigrat, oo ku dhow xadka Eritrea, ayaa Reuters u sheegay inay Arbacadii arkeen laba gaari oo siday tobannaan askari oo Eritrean ah oo dhex maraya magaalada.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay ciidamada ku garteen direyskooda gaarka ah, inkastoo Reuters ay sheegtay in aysan si madax-bannaan u xaqiijin karin xogtaas.

Wakaaladda AFP ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamo Eritrean ah lagu arkay agagaarka Adigrat maalmihii lasoo dhaafay, iyadoo qaar ka mid ah ciidamadaas lagu warramay inay dhanka koonfureed ugu sii jeedeen magaalada Mekelle.

Adigrat waxay qiyaastii 40 kiiloomitir u jirtaa Eritrea, halka Mekelle ay dhanka koonfureed uga jirto in ka badan 100 kiiloomitir.