DAAWO: Muungaab oo u hanjabay mucaaradka

61

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Muungaab ayaa weerar afka ah ku qaaday mucaaradka xili uu ka hadlayay hadal heynta weyn ee ka dhalatay weerarka la sheegay inay Dowladu ku qaadeyso guriga Madaxweynihi hore ee Shariif Sh.Axmed.

Gudoomiye muungaab inkastoo uu beeniyay inuu jiro wararka sheegaya in Ciidamada Dowladu duulaan ku yihiin gudiga Shariif hadana wuxuu sheegay in mucaaradka hadii ay amniga wax u dhimaan ay talaabo ka qaadi doonaan.

“haddii ay amniga Muqdisho far usoo dhaqaajiyaan, laba far baa loo soo dhaqaajinayaa Kuwa dib-u-socodka ah ”ayuu yiri Gudoomiye Muungaab

Hadalka Duqa Muqdisho ayaa ku soo aadaya xili sidaan oo kale Wasiirka Difaaca Axmed Macalin Fiqi isna uu mucaaradka ku eedeeyay inay iyagu dhaq dhaqaaq wadaan islamarkaana ay talaabo ka qaadi doonaan hadii ay dhaq dhaqaaq sameeyaan.