DAAWO: Saciid Deni oo Mucaaradka ugu baaqay shir deg-deg ah

16

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni oo maanta ka hadlyay furitaanka Kalfadhiga 59-aad ee Golaha Wakiilada Maamulka Puntland ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Somalia iyo Dowlada uu hogaamiyo.

Saciid Debi wuxuu si gaar ah uga hadlay doorashada Faderalka ee Dowladu ku dhawaaqday isagoona ku tilmaamay qorshahaasi doorasho inuu yahay mid hal dhinac ah islamarkaana ah damaca guracan.

“Doorashada Xasan Sheekh ku dhawaaqay lama aqbali karo waana in sida ugu dhaqsiyaha badan looga arinsadaa oo ay isugu yimaadaan qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ” ayuu yiri Saciid Deni

Hogaamiyaha Puntland wuxuu u qeyla dhaamiyay guud ahaan Mucaaradka inay isugu yimaadaan shir degdeg ah oo ka dhan Madaxweyne Xasan si ay uga arinsadaan doorashada Dowladu iclaamisay.

Sidoo kale Saciid Deni wuxuu baarlamaanka Puntland ka hor sheegay in Maamulkiisu ku guuleystay sida uu warka u dhigay inay ka hortagaan oo meesha ka saaraan maleeshiyaadka uu Xasan Sheekh ku dhex sameeyay gudaha Puntland.