
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta sameeyey xilka-qaadis iyo magacaabis cusub oo saameysay mid kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, kaddib wareegto rasmi ah oo uu soo saaray.
Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Mudane Maxamed Cabdullaahi Cumar oo loo yaqaano (Deeyow) u magacaabay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee degmada Boondheere, isaga oo xilkii guddoomiyihii degmadaas Mudane Cabdullaahi Xasan Sheikh Cabdi.
Muungaab ayaa kula dardaarmay guddoomiyaha cusub ee degmada Boondheere in uu mudnaan gaar ah siiyo horumarinta degmada, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga ah.
Waa markii labaad ee Deeyow loo magacaabo xilka guddoomiyaha degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir. Markii ugu horreysay ayaa xilka laga qaaday bishii Maarso ee sanadkii 2024-kii, xilligaas oo guddoomiyihii gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), uu xilka ka qaaday kaddib khilaaf soo kala dhexgalay.
Xilligaas, Deeyow ayaa xilka ku wareejiyey Cabdullaahi Xasan Sheekh Cabdi, oo haatan mar kale uu maamulka degmada kala wareegayo, kaddib magacaabistiisa cusub. Talaabadan ayaa ka dhigan inuu Deeyow dib ugu soo laabtay hoggaanka degmada Boondheere, muddo kaddib markii uu xilkaas ka maqnaa.
Maxamed Deeyow ayaa ah nin dhalinyaro ah oo firfircoon, isla markaana si wayn baraha uga taageero Madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo si gaar ah loogu xasuusto ololihiisii dib doorashada 15-kii May, 2022.




















