DAAWO: Garyaqaanka Guud ee Dowladda oo buriyay go’aankii kasoo baxay Garsoorayaasha Maxkamadda Sare.

32

Garyaqaanka Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sharci-darro ku tilmaamay go’aanka ay Maxkamadda Sare ee dalka ku laashay dhaqan-galka dastuurka cusub, isagoo sheegay inuu qaadayo tallaabooyin sharci oo dhakhso ah.

War-saxaafadeed uu goordhoweyd soo saaray Xafiiska Garyaqaanka Guud ayaa lagu sheegay in maxkamaddu ay ku xadgudubtay hannaanka iyo habraaca sharci ee dacwad-qaadista, isla markaana aysan tixgelin is-hortaagyo sharci oo uu xafiisku horay ugu gudbiyay.

Xafiiska ayaa sheegay in Maxkamadda Sare ay ahayd inay marka hore ka jawaabto is-hortaagyadii sharci ee loo gudbiyay, iyadoo aqbali lahayd ama diidi lahayd, balse ay maxkamaddu sheegtay inay go’aan soo saartay iyada oo aan arrintaas wax jawaab ah laga bixin.

Sidoo kale, Garyaqaanka Guud ayaa ku eedeeyay maxkamadda inay ku xadgudubtay mabda’a iska-hor-keenidda dhinacyada dacwadda, isaga oo sheegay in haddii la diiday is-hortaagyada loo gudbiyay ay ahayd in la muddeeyo dhegeysiga dacwadda, lana siiyo dhinacyada fursad ay ku soo bandhigaan doodahooda.

Warqadda ayaa sidoo kale lagu sheegay in maxkamaddu aysan u hoggaansamin qaab-dhismeedka sharci ee Maxkamadda Sare, maadaama, sida uu xafiisku ku dooday, ay ahayd in Guddoomiyaha Maxkamadda Sare uu guddoomiyo garsoorayaasha ka garnaqaya dacwadda.

Qodob kale oo uu Xafiiska Garyaqaanka Guud soo bandhigay ayaa ahaa in maxkamaddu abuurtay dacwad cusub oo aan ahayn tii markii hore la furay, isaga oo sheegay in arrintaasi ay ka hor imanayso qodobbada sharciga ee nidaaminaya dacwadaha maxkamadaha.

Garyaqaanka Guud ayaa gunaanadkii ku sheegay in go’aanka ama qoraalka ka soo baxay garsoorayaasha Maxkamadda Sare uusan waafaqsanayn sharciga, isla markaana uusan lahayn wax saamayn sharci ah.

Xafiiska ayaa caddeeyay inuu qaadi doono tallaabooyinka sharci ee ku habboon, isaga oo xusay in mowqifkiisu ku salaysan yahay ilaalinta sharciga, danaha qaranka iyo dhowrista dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Si kastaba, diidmada Garyaqaanka Dowladda ayaa imaanaysa xilli ay taagan tahay xiisad sharci oo ka dhalatay xil ka qaadistii Guddoomiyihii Maxkamadda Sare, Garyaqaan Baashe Yuusuf, oo la sheegay inuu u janjeeray dhanka mucaaradka, kuwaas oo si adag uga soo horjeeda dastuurka cusub iyo hannaanka doorashooyinka ay waddo dowladda.