DAAWO:Sanbaloolshe oo qirtay inuu Itoobiya iyo Imaaraadka u shaqeeyo.

21

Agaasimihi hor ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, Mudane Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo shir jaraa’id ku qabtay Beledweyne ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan eedeymaha loo jeediyay ee dhisidda jabhad hubeysan iyo la macaamiilkiisa dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta.

Sanbaloolshe ayaa si wayn u difaacay qorshiiisa iyo abaabulka uu haatan ka wado gobolka Hiiraan, wuxuuna ku dooday in jabhad la dhiso uusan isaga ugu horreyn, isla markaana madaxweyne Xasan Sheekh uu qudhiisu jabhad soo noqday xilligii uu socday dagaalkii Mirinaayo.

“Anaga jabhadaha nalagu sheegaayo jabhado ayaa ka horreeyay Xasan Sheekh oo ah madaxweynaha dalka waa la ogyahay Mirinaayo ayuu galay jabhad ma ahaynoo? dantiisii yaqiinee, annagana teyna kama xishooneyno,” ayuu yiri taliyihii hore ee Hay’adda NISA.

Sidoo kale, wuxuu soo hadal qaaday eedeymaha shaqsiyeed ee loo jeediyay, kuna aadan inuu la shaqeynayo dowlado shisheeye, gaar ahaan waddamada Itoobiya iyo Isu Tegga Imaaraadka Carabta, isaga oo xusay in aanu ahayn siyaasigii ugu horreeyay ee tega dalalkaas, ayna kaga horreeyeen madaxweynayaal iyo siyaasiyiin kale oo Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray in madaxweynaha hadda talada haya uu dhawr jeer ku laa laabtay Itoobiya, sidoo kalena carruurtiisa ay dagan yihiin dalka Imaaraadka Carabta.

“Itoobiya ayaa ka timid ayaa hadda aniga laygu eedeynayaa horta ogaada ninkii shalay Itoobiya aaday oo ahaa Cabdullahi Yuusuf madaxweyne ayuu ku noqday hadda Xasan Sheekh horay iyo gadaal ayuu ugu ordaayay Abiy isaga marka uu u tegaayo ma fiican tahay? anigana marka aan u tegaayo ma xaar ayaa i marsan oo ma xumahay?” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Sidoo kale, wuxuu kusii daray “20 canug oo uu leeyahay Xasan Sheekh Imaaraad ayay ku noolaayeen marka aniga iska tago oo aan soo salaamo ama aan iska soo daaweynaayo waa xumahay cadow ayuu soo raacay ayaa lay leeyahay war dadkeygow yaan la’idin marin habaabina”.

Ugu dambayn, wuxuu ku baaqay in talada dalka dhexda lasoo dhigo, isla markaana wada-hadallada socda ee arrimaha masiiriga ah lagu saleeyaa midnimo, wada-tashi iyo is-afgarad.