
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Cali Jeyte Cismaan oo hore u ahaa hoggaamiyihii Macawiisleyda gobolka Hiiraan u dalacsiisay darajada Sarreeye Guuto.
Dalacsiinta Jeyta ayaa imaneysa xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka jira magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Sidoo kale darajooyin ciidan oo kala duwan ayaa la sheegay in la siiyay saraakiil iyo askar ka soo jeeda gobolka Hiiraan, iyadoo Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Guddoomiyaha gobolka Hiiraan la gaarsiiyay darajada Gaashaanle Sare.
Illaa 87 sarkaal iyo askari oo kasoo jeeda Hiiraan ayaa la sheegay in loo sameeyay dallacsiinta, taas oo qayb ka ah tallaabooyinka cusub ee dowladda dhexe u qaadday xiisadda gobolka.
Cali Jeyte ayaa maalmihii lasoo dhaafay gaaray Beledweyne, isagoo muujiyay saluugiisa go’aanka Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan iyo mas’uuliyiinta taageersan. Jeyte ayaa haatan si cad u taageeray maamulka HirShabeelle iyo Madaxweyne ku-xigeenkiisa, Cabdulfataax Xasan Afrax.
Si kastaba, dallacsiinta Cali Jeyte iyo saraakiisha kale ayaa qeyb ka ah dadaallo lagu yareynayo xiisadda ka taagan gobolka, iyadoo Villa Soomaaliya ay wajahayso baaqyo iyo cadaadisyo la xiriira xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Beledweyne.



















