Daba-Geed oo diiday xilka qaadistii lagusameeyay

1728

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed uu kasoo horjeestay xilka qaadis uu ku sameeyay Madaxweynaha Hirshabeelle.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in uu diiday in uu wareejiyo xilka, islamarkaana uu ku shaqeyn doono xarunta maamulka gobolka Hiiraan ,maadaama uu shalay ku dhawaaqay in uu kasoo horjeeddo maamulka Madaxweyne Waare.

Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle oo uu ka mid yihiin Xildhibaan iyo Wasiiro ayaa wadda dadaallo looga hortagayo in Khilaafka Yuusuf Dabageed iyo Madaxweyne Waare uu sii xoogeysto.

Yuusuf Dabageed ayaa shalay ku dhawaaqay in dadka kunool degaanada gobolka Hiiraan ay ka tashadeen Madaxweyne Waare ka dib markii uu sheegay in uu si weyn uga soo horjeeddo horumarinta gobolka iyo dagaalka Al-Shabaab.

Madaxweyne Waare ayaa dhowr Gudoomiye u Magacaabay gobolka Hiiraan tan iyo markii uu noqday Madaxweynaha Hirshabeelle, waxaana dhammaantood xilka looga qaaday Sababo la xariira habka maareynta daqliga soo gala gobolka Hiiraan.