Warbixin;- Fahad Yasin ayaa Badalay Dhaman Qalabkii Hay.ada Nisa.

2379

Dawlada Soomaaliya Ayaa Isbadal Balaaran Ku Samaysay Qaabkii Ay U Hawl Gali Jirtay Ha,ada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee Nisa Oo Ciidankii Hubaysnaa Ee Horay Uga Tirsanaa Hay,adaasi lagu biiriyau kol hore booliska gobalka banaadir waxaana laga reebay oo keliya Tiro kooban oo ka tirsan ciidanka Nisa Kuwaasi Oo Iminka Ilaaliya Xarunta Maamo Khadiijo Ee Magalada Muqdisho Ayadoo Waji Cusub Loo Yeelay Shaqada hay,ada dhinaca nabad sugida iyo sirdoonka U Qaabilsan Dawladda Soomaaliya.

Tan Iyo Markii Fahad Yaasiin Oo Horay U Ahaa Agaasimaha Villa Soomaaliya Loo Magacaabay Taliye Ku Xigeenka Hay,ada Nisa Ahna Ku Simaha Taliyaha Hay,adaasi ayaa waxa la sheegay in uu badalay dhamaan qaababkii hore ee hay,adu ay u shaqayn jirtau Wuxuuna Fahad Yaasiin Kala diray Ciidankii Hubaysnaa Ee Nisa Oo iminka Loo Badalay Dharcad Waxaana Loo Qoray Hay,ada Nisa Shan Kun Oo Qof Oo U Badan Dhalinyaro Qaarkood Ay Tagsiilayaal Ahaayeen Halka Qaar Kalana Ay Wax Ka Bartaan Dugsiyasa Sare iyo Jaamacadaha Ku Yaal Muqdisho Iyo Kuwo Horay Wax Usoo Bartayba Dhalinyaradaasi Oo Ka Mid Noqday Hay,ada Nisa Ayaa Loo Qayb Shay 17 Dagmo Ee Gobalka Banaadir Si Ay Xogaha Dhinaca Sirdoonka Ee Amniga La Xariira Uga Soo Gudbiyaan

Shantaan Kun Ee Dhalinyaradaa Ee loo diwaan Galiyay Ka Mid Noqoshada Hay,ada Nisa ayaa iskugu jira Laba Qayb Kuwo Hubaysan Oo Bistoolado La Siiyay Loona Diro Hawlgalo Qaas Ah Iyo Kuwo Aan Hubaysnaa Oo Shibil Ah Soona Gudbiya Xogoha Dhinaca Sirdoonka kuwaas oo Gaaf Wareega Xaafadaha Kala Duwan Ee Muqdisho Si Ay Xog amni U Helaan

Waxaa loo qayb shay ciidankaan waaxo waxaana waax kasta haysta sargaal garanaya inta uu madaxda u yahay magacyadoodana hay balse dhalinyaradaan ayaan iyagu is aqoon waxaana laga cabsi qabaa in ay isku dhacaan maadaama aysan aqoon isku halayn.

Dawladda Qadar ayaa dhinaca Dhaqaalaha Iyo Tababarka Ka Taageeraysa Ciidankaan cusub ee ka mid noqday hay,ada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Qaranka Ee Nisa Waxaana Qadar Ay Shaqsi Kasta Siisaa Dhaqaalo Ku Filan Si uusan Meel Kale u Hawaysan Uuna Daacad Ugu Noqdo Shaqadiisa Waxaa sidoo iminka dalka Qadar Tababar ku qaadanaya cutubyo kale oo ka mid noqonaya ciidanka sirdoonka soomaaliya dhawaana dalka lagu soo celin doono marka ay tabarka dhamaystaan.

Ujeedadad ugu weyn ee Ciidankaan Dharcadaa loogu daadiyay 17k dagmo ee gobalka banaadir ayaa ah in ay ka hortagaan weerarada alshabaab ay qorshaynayaa ee iskugu jira qaraxyada iyo dilalka Qorshaysan Marka Ay Helaan Xogta Weerarada La Qorshaynayana Ka Hor Inta Aysan Dhicin Ay Soo Wargaliyaan Hay,adaha Kale Ee amniga Si looga Hortago

Fahad Yaasiin Taliye ku xigeenka Nisa Ayaa Waji Cusub Ee Uu U yeelay shaqada hay,ada sirdoonka waxaa la aaminsan yahay in ay wax weyn ka badali doonto aminga muqdisho maadaama weerarada dhacayo hadii laga war helo si deg deg ah looga hortagi karo inkastoo alshabaab laftooda ay leeyihiin sirdoon qarsoon.

Dawladda Soomaaliya Ayaa sheegtay in ay ku dadaalayso sidii ay gacanta ugu dhigi kahayd amniga magaalada muqdisho ee caasimada soomaaliya waxaana iminka socdo hawlgalo culus oo lagu baadi koobayo kooxa dhibaataynaya amniga muqdisho

Fahad Yaasiin Oo iminka Ah Taliye Ku Xigeenka Hay,ada Nisa Ayaa horayna usoo Qabtay Xilka Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Ayaa Ah Nin Saamayn Weyn Ku Dhex Leh Dawladda Hada Jirta Lugna Ku Leh Talaabo Kasta Oo Dawladdu Ay Qaadayso Maadaama Uu Tahay Isku Xira Qadar Iyo Soomaaliya Oo Iminka Xiriir Wanaagsan Uu Ka Dhexeeyo.

Fahad Wuxuu iska qariyay warbaahinta tan iyo markii uu ka mid noqday dawladda hada jirta Waxaana Lo Ogayn Sababta Uu Warbaahinta Uga Dhuunto Maadaama Uu isagu Horau Wariye U Ahaa Waxaana laga Hayaa Hal Sawir Oo Keliya Kaasi Oo Xili Hore Laga Qaaday Dibna Uusan Warbaahinta Uga soo Muuqan Waxaana La Sheegay In Fahad Yaasiin Ay Qaybta Warbaahin Ka Dhuumashada Iska Shabahaan Marwaan C/kariin ciisaa oo lagu naanaysi jiray abuu baraa Maasi Oo Ahaa Nin Mayal Adag Oo Mar Soo Hogaamiyay Sirdoonka Falastiin Gama’na u diiday israa,iil

Agaasime ku xigeenka hay,ada Nisa Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Ayaan La Dhacsanayn Qaabka Ay Iminka Wararka U Tabiyaan Warbaahinta Gudaha Soomaaliya Ka Hawlgasha Wuxuuna Qorshaynayaa Dhawaan in uu Soo Saaro Amaro Lagu Mamnuucayo In Warbaahinta Dalku Ay Sheegaan Wararka La Xarira Alshabaab Ee ku Aadan Weerarada Ay Qaadaan Iyo Guulahoodaba Qorshahaasi Oo lagu bilaabi doono warbaahinta muqdisho ka dibna warbaahinta dalka oo dhan amarka la gaarsiin doono .

Soomaaliya Ayaa Ka Hor Intii Aysan Burburin Dawladii Dhexe Ee Soomaaliya Waxa Ay Lahayd Mid Ka Mid Ah sirdoonada Ugu Xooga Badan Qaarada Africa.