Warbixin:- Ahlusuna iyo Dowladda Oo weli ku Muransan, Dhismaha Galmudug

1647

Wararkii ugu danbeyey Ee Dhusa mareeb ayaa sheegaya in Halkaa ay ka soconayaan Kulamo udhaxeeya Hogaanka Ahlusuna iyo wasiirka Arimaha Gudaha Somaliya.
Kulamada ayaa kuwo inta badan Diirada lagu Saarayay Sidii Xal waara looga garai lahaa Khilaafka udhaxeeya Dowladda Iyo Ahlusuna kuna Saabsan Dhismaha Dowladd Goboleedka Galmudug,

Shirar isdaba joga ah oo shalay ilaa xalay ka soconayay Dhuusa Mareeb ayaa ku soo idlaaday Najiido la.aan

Ahlusuna iyo Dowladda ayaa weli isku mari la. Qodabo horey ay ugu heshiyeen.

Islamarkaana ay ka mid aheyd Tiradda Xildhibaanada Cusub Ee Barlamanka Galmudug ee la siinayo Hogaanka Ahlusuna
Madaxda Dowladda Somaliya ayaa Ahlusuna ubalan qaday 35 Xildhibaan in la siinayo Balse Dowladda hada Go.aankaas ay ka hor timid waxna ku adkeysaneysaa in 12 Xildhibaan ay uqorsheysay in la siiyo Ahlusuna. arinkaa hogaanka Ahlusuna gashaanka ayay udaruurtay.

Dhanka kale Madaxda Dowladda Somaliya ayaa didaal Xogan ugu jirta Sidii loo Xalin lahaa Tabashadda Ahlusuna Ee Gobolada Dhexe.