XASAASI: Raheem Sterling Oo Iska Diiday In Uu Heshiis Cusub U Saxiixo Man City Fartana Ka Saaray Go’aankiisa Ku Aadan Mustaqbalkiisa

1667

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Man City ee Raheem Sterling ayaa lagu soo waramayaa in uu iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Man City sida ay sheegayaan wararku.

Heshiiska Sterling ee Man City ayaa dhici doona xagaaga 2023 kaas oo uu qalinka ku duugay November 2018.

Si kasta ha ahaatee Man City ayaa doonaysay in ay xiddiga ka saxiixato heshiis cusub si ay kooxda ugu sii hayso xiddiga reer England laakiin wararka ayaa sheegaya in uu xiddiga reer England iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixo Man City.

Isla wararka ayaa sheegaya in uu Raheem Sterling maamulka kooxdiisa u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan waliba ka fiirsado dookhyadiisa.

Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira xilli ciyaareedkan hadii ay noqoto xulka qarankiisa iyo kooxdiisa isaga oo 18 gool u dhaliyay 22 kulan oo uu saftay.