Muqdisho Wasiir goordhaw ugu geeriyooday Caronavirus

1651

Wasiiru dowlihii Cadaaladda maamul goboleedka HirShabelle Xildhibaan Khaliif Muumin ayaa maanta magaalada Muqdisho ugu geeriyooday cudurka Coronavirus oo ku dhacay.

Khaliif Muumin ayaa ka mid ahaa 9 qof oo wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ay Jimcihii shaaca ka qaadday in laga helay cudurka Coronavirus.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabeelle oo dhowr ah ayaa xaqiijiyay geerida Khaliif Muumin.

Xildhibaan Khaliif ayaa todobaadkii hore loo soo qaaday magaalada Muqdisho, kadib markii uu ku xanuunsaday magaalada Jowhar, laguna arkay astaamaha lagu garto cudurka Coronavirus.

Waxa uu noqonayaa qofkii labaad ee inta la ogyahay gudaha Soomaaliya ugu geeriyooda cudurka Coronavirus. Khaliif ayaa cudurka ku qaaday gudaha dalka, mana jirin wax safar dibadeed ah oo uu dhowaanahan galay.

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inuu billowday faafitaanka cudurka ee bulshada dhaxdeeda (community spread), waxaana laga cabsi in cudurka uu gaaray dad badan oo ku sugan gudaha magaalada.

Waxaa jirta cabsi xooggan oo la xiriira inay jiraan dad aan laga war-hayn oo cudurka uu gaaray ama u dhintay ayaga oo aan la diiwaan-gelin. Shacabka Muqdisho qaarkood ayaa werinaya dad dhintay oo lagu arkay caalamadaha cudurkan balse ma jirto cid xaqiijin karto maadaama aan tijaabo la marin.