lacagtii loogu talo-galay Fatahaadda Baladweyne arrimo kale loo adeegsatay+Video

1767

Lacag dhan 1.5 Milyan oo Doollar oo bartamaha Bishii May 2018 ay ku deeqday dowladda Shiinaha si wax looga qabto fatahaadda webiga Shabeelle, ayaa Baaritaan lasameeyay waxa lagu soo ogaatay in lacagahaasi aysan gaarin halkii loogu talo-galay.

Lacagta ayuu Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Qin Jian ku wareejiyay Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, si wax looga qabto fatahaadda webiga Shabeelle ka sameeyay Baladweyne.

Hadaba lacagtaasi Halkay martay?

Waxaan xiriirro kala duwan la sameynay madaxda guddiga gurmadka fatahaadda Baladweyne, Masuuliyiin ka tirsan Hir-shabeelle iyo madax kale oo ka tirsan dowladda federaalka.

Guddiga gurmadka Fatahaadda Baladweyne waxay inoo sheegeen in lacagtaasi 1.5-ta Milyan ee Doollar ee uu Shiinuha ku deeqay aysan soo gaarin, islamarkaana wax xog ah ayan ka helin halka ay martay.

Dowladda Soomaaliya wax faahfaahin ah kama bixin ujeedooyinka loo isticmaalay lacagahaasi. Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo aan xiriir kala sameynay arrintan ayay inoo suurogeli weysay in aan faahfaahin ka helno.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa ayadoo dhawaan guddiga fatahaadda Baladweyne iyo waxgaradka kasoo jeeda gobolka Hiiraan ay dowladda ku dhaliileen in aysan fatahaadda Baladweyne u wajihin sidii laga filayay islamarkaana aan la garanayn halka ay ku danbeeysay lacag dhan $500,000 oo ay hore warbaahinta uga sheegtay dowladda in ay ugu deeqday Fatahaadda Baladweyne.