
Dowladda Türkiye ayaa billowday hirgelinta mashruuca istiraatiijiga ah ee dhismaha Saldhigga dayax-gacmeedyada oo laga dhisayo gudaha Soomaaliya, taas oo la filayo inay si weyn uga caawiso Türkiye inuu ku biiro dalalka leh dayax-gacmeedyada iyo gantaallada hawada sare.
Hirgelinta mashruucan ayaa haddii uu guulaysto wuxuuTurkiga u suurta-gelin doonaa ku biirista suuqyada tamarta hawada sare oo qiyaastii $1.8 tirilyan oo doolar gaari doona bartamaha 2030-.
Wasiirka Warshadaha iyo Tiknoolajiyadda Türkiye, Mehmet Fatih Kacir, uu xaqiijiyay in daraasaddii suurta-galnimada iyo naqshadeynta mashruuca la dhammeeyay, isla markaana wejigii koowaad ee dhismaha uu haatan ka socdo dhul Soomaaliya ay siisay Türkiga, kaddib heshiis labo geesood ah oo dhex maray labada dowladood.
Mashruucan ayaa waxaa si wadajir ah u fulinaya Wasaaradda Warshadaha iyo Tiknoolajiyadda Türkiye, Hay’adda Hawada Sare ee Türkiye (TUA) iyo hay’ado kale oo qaran, kuwaas oo u arka saldgiggan hawada sare mid fure u noqon karta mustaqbalka tiknoolajiyadda dalkaas.




















