FIFA oo u dayrisay Cumar Cartan.

29

Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliya ayaa muujiyay taageerada ay u hayaan garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdullaahi Cartan, kadib markii maamulka Mareykanka uu u diiday inuu dalkaas galo xilli uu isku diyaarinayay ka qeybgalka Koobka Adduunka ee FIFA.

Bayaan uu guddigu soo saaray Isniintii ayaa lagu sheegay in xulashada Cumar Cartan ee tartanka caalamiga ah ee ka dhacaya Mareykanka ay tahay guul qaran iyo tallaabo taariikhi ah oo u soo hoyatay ciyaaraha Soomaaliya.

“Xulashada mas’uul Soomaaliyeed oo ka qeyb gala madal heerkan ah ma aha oo keliya guul shaqsiyeed, balse waa guul u soo hoyatay qaranka oo dhan. Waxay muujineysaa koboca, hibada iyo xirfadda ciyaaraha Soomaaliyeed ee fagaaraha caalamka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Guddiga Olombikada ayaa ugu baaqay hay’adaha caalamiga ah ee ciyaaraha iyo dhinacyada diblomaasiyadda inay ilaaliyaan mabaadi’da sinnaanta iyo iskaashiga caalamiga ah.

“Mas’uuliyiinteennu waxay xaq u leeyihiin inay calankooda matalaan iyagoo aan la kulmin takoor ama caqabado maamul,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Guddiga ayaa sheegay inuu dadaal ku bixinayo sidii loo xallin lahaa arrinta haysata Cumar Cartan si uu uga qeyb galo tartanka.

“Ciyaaruhu xuduud ma laha. Waxaan sameyneynaa wax kasta oo awooddeenna ah si aan u aragno Cumar oo jooga halkii uu ku habboonaa, isagoo garoonka ku matalaya buluugga iyo caddaanka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Hadalkan ayaa yimid kadib markii Wasaaradda Amniga Gudaha Mareykanka ay u xaqiijisay Al Jazeera in Cumar Cartan loo diiday inuu galo Mareykanka kadib markii uu Sabtidii soo gaaray Koonfurta Florida.

Afhayeen u hadlay wasaaradda ayaa sheegay in Cartan loo arkay qof aan loo oggolaan karin gelitaanka dalka sababo la xiriira baaritaanno amni, inkastoo aan la bixin faahfaahin dheeraad ah.

Imaanshaha Cartan ee Mareykanka ayaa muujinaya inuu horay u helay fiiso sax ah ka hor safarkiisa.

Dhanka kale, FIFA ayaa sheegtay in Cumar Cartan uusan awoodi doonin inuu ka qeyb galo tababarrada iyo garsoorka Koobka Adduunka ee bilaabanaya Khamiista, maadaama aan loo oggolaan gelitaanka Mareykanka.

“FIFA kuma lug laha habraacyada socdaalka ee waddamada martigelinaya, waxaana naloo sheegay in xaaladda Mr. Cartan aan wax isbeddel ah lagu sameyn doonin waqtigan,” ayuu yiri afhayeen u hadlay FIFA.

Cumar Cartan ayaa ka mid ahaa 52 garsoore oo FIFA u xushay Koobka Adduunka 2026 ee lagu qabanayo Mareykanka, Canada iyo Mexico. Waxaa la filayay inuu noqdo garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee dhex-dhexaadiya ciyaaraha Koobka Adduunka.

Kiiskan ayaa walaac ka dhaliyay gudaha Soomaaliya iyo taageerayaasha kubadda cagta, iyadoo laga cabsi qabo saameynta xayiraadaha socdaalka Mareykanka ay ku yeelan karaan ka qeybgalka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee munaasabadaha caalamiga ah.

Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ay saameeyeen xayiraadaha socdaalka ee maamulka Madaxweyne Donald Trump, inkastoo safarrada diblomaasiyadeed iyo kuwa rasmiga ah qaarkood laga yaabo in laga reebo.

Cumar Cartan ayaa lagu tiriyaa mid ka mid ah garsoorayaasha ugu wanaagsan Afrika, waxaana dhawaan loo magacaabay Garsooraha ugu Wanaagsan Afrika ee sanadka 2025 intii lagu guda jiray Abaalmarinnada CAF ee ka dhacay magaalada Rabat ee dalka Morocco.