
Madaxweynah Dalka Turkey oo ka tirsan Isbahaysiga reer Galbeedka ee NATO ayaa markaan warbaahinta u sheegay in Turkigu hada kadib ka aamusi doonin weerarada xaga cirka ah ee Israa’iil sida joogtada ah ugu wado dalal ay ka mid yihiin Suuriya iyo Liibiya balse ay ka jawaabi doonaan sida uu warka u dhigay.
“Turkigu uu mardambe indhaha ka laaban doonin weerarada ka dhanka ah dalalka Suuriya iyo Lubnaan”ayuu yiri Madaxweyne Erdogan
Madaxweynaha Turkiga wuxuu isku mid ka soo qaaday amniga Qaranka Turkey iyo amniga labada Dal ee Lubnaan iyo Suuriya taasoo cadeyneysa in markaan Turkigu banaanka la soo istaagay taageeradooda iyo difaacadooda amniga labadaasi Dal.
“Amniga Dalkeena kama bilowdo Gobolka Hatay ee Turkiga balse wuxuu ka bilowdaa Bayruud,Xalab iyo Dimishiq” ayuu mar kale ka dhawaajiyay Erdogan.




















