Akhriso Ahlu-sunna oo soo rogaal celisay

2117

Ahlu-Sunna ayaa qoraalkan ku sheegtay in aysan qeyb ka aheyn dhismaha maamul ee dowladda federaalku ay ka wado Galmudug, waxayna ugu baaqeen bulshada reer Galmudug in ay u istaagaan ka hortagga waxa ay ku sheegeen kooxaha xagjirka ee kusoo duulay dalka, sida lagu yiri qoraalka.

“ASWJ waxa ay mar kasta diyaar u tahay in bulshadeeda ay ka badbaadiso in lagu dhex faafiyo afkaarta xagjirka ah si aysan bulshada dhexdeeda uga dhalan afkaarta is qarxinta iyo is gaaleysiinta”ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hoggaanka Ahlu-Sunna.

Ugu dambeyntii qoraalkan Ahlu-Sunna waxa ay ku sheegtay in beesha caalamka iyo umadda Soomaaliyeedba ay u cadeynayso in DF iyo cid kasta oo ku gacan siisay ay ka shaqeeyeen burburinta Galmudug iyo in dagaal lala galo ASWJ si ay fursad ugu siiyaan Al-Shabaab in ay dib ugu soo laabtaan deegaanadii ay ASWJ ka xoreysay 12-sano ka hor, sida lagu yiri qoraalka, balse Ahlu-Sunna aysan aqbali doonin arintaas mas’uuliyad xumadii ka dhalatana ay qaadaneyso dowladda federaalka.