Boqor Buur Madow madaxwaynaha Gudoomiyaha xisbiga Kulmiyaan karabnaa +VIDEO

1884

Boqor cismaan Aw Maxamuud Buur Madow oo ka mid ah madax dhaqameedka bariga burco ayaa sheegay in ay rajaynayaan beeshoodu in ay kulan la qaadato madaxwaynaha somaliland Mudane Muuse biixi cabdi.

Boqorka ayaa geestay kale sheegay in ay uga fadhiyaan madaxwaynaha somaliland balamo ay beeshoodu hore ula galeen oo ku saabsan guddoomiyaha xisbiga kulmiye in lagu wareejiyo.

“Anaga dhankayaga madaxwaynaha anagu beelihii doortay ee soo saaray ayaanu nahay,hadii dadkii doortay ee soo saarayna u mahad naqo anaga sharaf ayay nootahay anaguna waxaanu rajaynaynaa inaanu la kulano madaxwaynaha madaama oo aanu ka mid Nahay ummadda uu madaxwaynaha u yahay.Sidaas ayaa uu yidhi isaga oo
la hadlay eryal tv Intaas waxa uu ku daray boqor buurmadow isaga oo hadalkiisa siiwata ayaa yidhi.

”Dhamaan xisbiyadu waa xisbiya qaran oo mid kasta beeshayadu way ku jirtay,waxaasa xaqiiqa inaanu xisbiga kulmiye awooda ugu badan ku lahayn waana ay jirtay inaanu balamo ka lahayn arimahaas anaguna ka beel ahaan waxaanu filaynaa ama hadafkayagu yahay inaanu awoodayadda sii saarna xisbiga kulmiye oo aanu qabano ka beel ahaan hogaankiisana waanu ku rajo waynahay oo waanu ku balan sanayn oo wakhtiga ay ahaataba arimahaasi wax deg degi kama jiraane lakiin wax waliba sidoodii ayay u dhici doonaan.