DAAWO:-Doorasho ma dhaceyso haddii aan Garbahaarey nalagu soo wareejinin

1644

Madaxwaynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa ku eedeeyay dowladda dhexe inay “afduubaneyso,” doorashada soo socota.

Mr Axmed ayaa sheegay in dowladda fedaraalka ee Soomaaliya ay wali haysato gobolka Gedo oo sida uu sheegay hoose yimaadda mamulkiisa.

Madaxwaynaha Jubland ayaa farta ku fiiqay in goobihii lagu heshiiyay in doorashada ay ka dhacdo qaarkood aysan Jubaland ka talin ayna tahay in arrintaasi xal loo helo.

“Xamar baan wada tagnay waxbaanu ku hadalnay, waxaa la yiri doorasho ha la qabto, sidaa ha loo qabto, maamul walba labo meelood ha lagu qabto, aan idin waydiiye maanta guddi baa la iga sugayaa waxaa laga hadlayaa inaan doorashadii qabanno, waxaa noo qoran labo caasimadood inaan ku qabano waa Kismayo iyo Garbahaareey, Jubaland maanta ma ka talisaa ma joogtaa jabhado iyo ciidan baa lagu sii daayay,”ayuu yir Axmed Madoobe,

Waxa uu intaa ku daray madaxwaynaha Jubaland in dowladda fedaraalka laga doonayo inay fuliso heshiiskii Muqdisho ee hanaanka doorashada kaasi oo ay gaareen maamul goboleedyada iyo dowoladda dhexe.

“Doorashada aan qabaneyno waa in waxaan ku heshiinay ay dhacdo, waa sax doorashadaasi waxaan rabnaa inay waqtigeedi ku dhacdo, dadka maamulka haya ee madaxda fedaraalka waa in wixii lagu heshiiyay ay fuliyaan,” ayuu intaa ku daray.

Madaxwaynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa ugu baaqay dowladda dhexe inay maamulkiisa ku soo wareejiso gobolka Gedo si doorashada loo qabto.

“Waxaan ku heshiinnay doorashadaasi inay dhacdo, maamul kastana uu labo meel ku qabto, waxaanu diyaar u nahay inaanu qabano oo labadii meelood ku qabano, laakiin waa goorma waa marka ay gacanteena ku soo noqoto(Gedo) oo gudoomiyihii gobolka uu tago oo ku xigeenkiisu tago oo madaxwaynaha iyo ku xigeenada inta ay tagaan ay iyaga wax ku sameyn karaan,” ayuu yiri Mr Mdaoobe.

Mr Axmed ayaa ka digay in hanaanka imika ay wax u socdaan haddii howlaha lagu wado aysan doorashada dhici Karin.

“Kuma dhaceyso doorasho sida ay maanta tahay iyo nooca afduub kuma dhaceyso,” ayuu yiri Mr Axmed Madoobe.