Senetaro caan ahaa oo lagasaaray liiska musharaxiinta Aqalka sare

1346

Senatar Xuseen Sheekh Maxamuud oo ahaa Xoghayaha Xisbiga UPD iyo Senetar Ilyaas Cali Xasan oo ahaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda Xisbiga Himilo ayaa laga saaray Liiska tartamayaasha Musharaxiinta Aqalka Sare.

Kuraasta shanta ah ee Aqalka Sare ee uu soo gudbiyay Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ayaa ahaa kuwo aad ugu dhow oo uu wato, iyadoo uu meesha ka saaray afar sanatar oo ka mid ahaa Aqalka Sare ee Baarlamaanka 10aad.

Senatar Xuseen Sheekh Maxamuud oo ahaa Xoghayaha Xisbiga UPD ayaa waxaa kursiga uu ku fadhiyay haatan loo asteeyay inay ku tartamaan Aadan Cabdinaasir Maxamed oo ah Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha dowlada federalka iyo Maxamed Xasan Aadan.

Sidoo kale Senetar Ilyaas Cali Xasan Xoghayaha Arrimaha Dibadda Xisbiga Himilo ayaa kursiga uu ku fadhiyay waxaa ku tartamayay labo haween ah.

Go’aanka uu ku gaaray Madaxweynaha Koofurgalbeed Cabdicasiis Laftagareen inuu ka reebo labadan senatar tartanka doorashada Aqalka Sare ayaa muujinaysa awooda ay u leeyihin madaxweynayaasha dowlad goboleedyada soo xulista liiska musharaxiinta Aqalka Sare.

Doorashadii ka dhacday saddex maalmood ka hor magaalada Kismaayo ayaa waxaa kamuuqanayay in kooxaha mucaaradka ay ku guuleysten kuraasta lagu tartamay halka haatan ay u muuqato in doorashada lagu wado inay maalinta Isniinta ka dhacdo magaalada Baydhabo ay ku soo baxayaan senataro taageersan Madaxweynaha xilligiisu dhamaaday ee Farmaajo.