Wasiir iyo darawalkiisa oo kutartamaya kursiga Aqalka sare

1177

Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa durba ku bilaabatay musuq maasuq, waxa ayna Madaxda dowlad goboleedyada meesha ka saarayaan Siyaasiyiinta kasoo horjeeda iyagoona keensanaya kuwa daacad u ah.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shalay soo saaray liiska musharaxiin u tartameysa 5-kursi oo katirsan Aqalka Sare, waxaana xubnaha uu soo xulay yihiin kuwa isaga iyo Farmaajo daacad u ah.

Musharaxiinta uu soo xulay Laftagareen waxaa ku jira Aadan Cabdinaasir Maxamed,oo ah Wasiiru dowlaha wasaaradda Arrimaha Guddaha Soomaaliya,ninkan ayaana horey usoo noqday Madaxa Baratoolka Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Laftagareen oo aad isugu dhaw yihiin Wasiirkan ayaa ka dalbaday in uu soo qorto shaqsi la tartama, waxaana wasiirkan ilo ku dhaw dhaw Warbaahinta u sheegeen in uu soo qortay Darawalkiisa gaarka ah si uu malxiis ugu noqdo.

Wasiir Cabdinaasir ayaana la sheegay in Darawalkiisa kula dardaarmay marka doorashada bilaabato in uu tanaasulo si uu ugu soo baxo bilaa doorasho, waxaana inta badan musharaxiintan lasoo bandhigay yihiin kuwa soo baxaya iyo kuwa malxiis u ah.

Kursiga uu u tartamo Aadan Cabdinaasir Maxamed, ayaa afartii sano ee lasoo dhaafay waxaa ku fadhiyay Senotor Xuseen Sheekh Maxamuud oo siyaasad ahaan kasoo horjeeday Madaxweyne Farmaajo iyo Laftagareen xubina ka ahaa Xisbiga Xasan Sheekh.

Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka ayaa hada ku bilaabatay qaab musuq maasuq ah, waxaana laga cabsi qabaa in doorashada Aqalka Hoose iyana u dhacdo sidii hore oo kale oo musuq maasuq aysan ka marnaan doonin.