LA OGAADAY: Barcelona Oo Dalab Ay Ku Doonaysay Ivan Rakitic Ka Diiday Koox Premier League

1737

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in aay koox aan la magacaabin ka diiday dalab lacageed oo dhan 13 milyan oo euro oo ay ku doonaysay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Ivan Rakitic.

31 jirkan ayaa wali lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo Camp Nou xilli uu ku dhibaatoonayo in uu boos joogto ah ka helo kooxda ku ciyaarta Camp Nou.

Kooxaha Atletico Madrid, Inter Milan, AC Milan, Juventus Iyo Man United ayaa lala xidhiidhinayaa xiddiga khadka dhexe kuwaas oo doonaya adeegiisa si ay ugu xoojiyaan kooxda.

Si kasta ha ahaatee wargayska Sport ayaa sheegaya in ay Barcelona dalab 13 milyan ah ka diiday koox premier League ah sabab la xidhiidha in ay Barcelona doonaysay ugu yaraan 30 milyan oo euro.

Wargayska aya sheegaya in ay Barcelona si deg-deg ah u diiday dalabkii laga soo gudbiyay xiddiga inkasta oo ay diyaar u ahayd in ay xiddiga ku fasaxdo qiimaha saxda ah.