Madaxweyne Xasan muxuu kala hadlay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

22

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qaabilay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Francesca Di Mauro xili beesha Caalamku mar kale soo nooleyeen cadaadiska Dowlada lagu saarayo inay mar kale la fariisato Mucaaradka si doorashooyinka heshiis looga gaaro.
Warar ku dhaw dhaw kulankaan ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan aqabalay soo jeedinta Midowga Yurub ee ah inuu mar kale la fadhiisto mucaaradka isagoona cadeeyay in Dowladu diyaar u tahay wada xaajoodka mucaaradka.
Warar kale ayaa sheegaya in mucaaradka laftigooda ogol yihiin islamarkaana lagu wado inay iyaguna la kulmi doonaan Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro
Dhanka kale warar kale ayaa sheegaya in Saciid Deni la isku dayi doono in mar kale looga yeero Muqdisho,waxaana Garowe ku wajahan sida xogaha ay sheegayaan Safiirka Mareykanka ee Somalia u fadhiya kaasoo garwadeen ka ahaa kulankii dhawaan fashilmay ee ka dhacay xeyndaabka Xalane.